Home arrow Siyaasadda | Aduunka arrow Warbixin Sanadkiiba Mar Kasoo Baxda Mareynkanka
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 12 2008
Warbixin Sanadkiiba Mar Kasoo Baxda Mareynkanka
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 12 March 2008

USA,(insidesomalia.org)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in falal ka baxsan xaquuqda aadanaha ay ka dhacayaan Dalka Soomaaliya,iyadoo sheegtay in dad badan oo rayid ah la dilay.

 

Warbixintaan oo ahayd mid dheer islamarkaana sanadkiiba mar ka soo baxda wasaarada arrimaha dibada wadanka Mareykanka ayaa lagu xusay in dagaaladii lagu hoobtay ee dhexmaray sanadkii tagay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo is garabsanaya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ay dhaliyeen dhimashada dad ka badan 1000 qof halka tiro ka badan 700,000 ay ku barakaceen.

 

Falalka ka baxsan xaquuqada aadanaha ee laga gaystay gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay isugu jireen dilal kufsi, dhac iyo waliba dad la xiray oo aan loo meel dayin sida ku xusan warbixinta.

 

Sanadkii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka xireen ugu yaraan 10,000 oo qof kuwaas oo qaar kood markii su’aalo la waydiiyay la sii daayay inkastoo jiraan sida warbixinta lagu sheegay 3,000 oo qof oo wali xabsiyada ku jira kuwaas oo aan ilaa iyo hada wax maxkamad ah aan la soo taagin.

Sida la sheegay dadka ilaa iyo hada u xiran arrimo siyaasadeed waxa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Yusuf Cali Haaruun iyo Maxamed Nuur sheegow oo ahaa qaali, waxana warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah dadka maxbuusta ah jir dil loo gaysto qaasatan waxa ay carabka ku dhufatay askarta dagaalada ay ku kala qabsadeen Maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Sidoo kale warbixintaan ayaa ku eedeysay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in falal bini’aadanimada ka baxsan Soomaaliya ay ka gaysteen, iyagoo weeraray meelo badan oo ka mid ah Dalka, waxana sidoo kale warbixinta ku eedeysey kooxda Al-shabaa in ay ka dambeeyeen dilalka xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, iyo xubno u dooda xaquuqda aadanaha iyo waliba Suxufiyiin.

laakin Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ayaa iyana dusha lagasaaray dilka dad rayid ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween,iyagoo Ciidamada Itoobiya Madaafiic ku garaacay goobo dad rayid ah deganaayeen sida warbixinta lagu sheegay.

Ugu dambeyntii warbixintaan oo ahayd mid dheer waxa ay sheegtay in Ciidamo wata darayska askarta Dowladda KMG ah ay dhac iyo barakacin u gaysteen dad ku jira guryo ka sameysan cooshado,iyadoo dhinaca kale Maamulka Puntland lagu eedeeyay in shaqsiyaad ka cararay koofurta Soomaaliyaa ay ku qasbeen in dib ay u laabtaan halkii ay markii hore kayimaadeen.

 

marka laga soo gudbo arrimahaasi ayaa warbixintu waxa ay sheegtay in dadka dhibaatada wayni soo gaartay ay yihiin Suxufiyiinta iyo Milkiilayaasha warbaahinta,iyadoo la xasuusto in 8 suxufi lagu dilay Dalka Soomaaliya Sanadkii aan soo dhaafney, kuwaas oo qaar kood si bareer ah loo bartilmaameedsaday.

 

waxaa kaloo warbixinta oo aad udheyreed lagu sheegey in ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dileen caruur badan oo ah kuwa kabaha caseeya ah ,kadib markii ay kumurmaan lacagta kabaha loogu caseey .

 

waxaa kaloo ay warbixinta sheegtey in kooxaha Al-shaab ay weeraro ugeysteen gobo badan oo shaneemooyinka lagu daawada ee k u yaala gudahaa Dalka Soomaaliya.

Warbixinta wasaarada arrimaha dibada Mareykanka waxa ay ku soo beegmaysa xili Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha Human Rights Watch warbixin ay u gudbisay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ay ku sheegtay in gudi heer caalami ah loo xirsaaro falalka dambiyada dagaalka ee ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >